Hay’adda caalamiga ah ee u doodda xuquuqda aadamaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay warbixinteeda sannadlaha ah ee lagu eego xaaladda daryeelka xuquuqda aadamaha ee dunida.
Warbixintan oo maanta soo baxday ayaa ah tii shan iyo labaatanaad ee ay hay’addu soo saarto , waxaanay ka koobantahay 656 bog .
Warbixintan ayaa waxaa lagu gorfeeyay xaaladda xuquuqda aadamaha ee 90 dal .
Waxa aan ka soo qaatay War bixinta in Dalka Soomaliya Quseysay waxana ka soo Xigtay Qoraalkan VOA qeybta Afka soomaliga.
Dhinaca dalka Somalia ayay warbixintu xustay Kooxaha hubaysan ee Soomaaliya mudada dheer ku dagaallamaya inay wali sii wadaan inay shacabka barakiciyaan, dilaan oo ay dhaawacaan.
Xannibaada saaran in gargaar la siiyo dadka ayaa sii badinaya dhibaatooyinka xuquuqul insaanka iyo kuwa gargaar bixinta.
Kooxda hubaysan ee Islaamiga ah ee Al-Shabaab ayay HRW sheegtay in sanadkii 2014-ka isaga baxeen magaalooyin badan kadib markii ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya iyo ciidammada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay dagaal wadajir ah ku qaadeen.
Hase ahate HRW ayaa sheegtay in Al-shabaab ay weli gacanta ku hayso dhul badan oo ka tirsan koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ka fuliyaan xukuno dil ah, garaac iyo xanibaadda xuquuqda asaasiga ah.
Al-Shabaab ayaa weerarro lagu hoobtay ku qaaday goobaha ay dowladda ka taliso sida Muqdisho, oo waxa ay bar tilmaameedsatay dad shacab ah oo ka mid yihiin xubnaha baarlamaanka iyo saraakiil kale.
Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya, askarta Midowga Afrika iyo maleeshiyaad taabacsan ayaa warbixinta HRW ay ku eedaysay inay mas’uul ka yihiin weeraro aan kala sooc lahayn, tacaddiyo galmo iyo qabqabasho iyo xiritaano sharci darro ah.
Gabagabadii ayaa warbixinta sanadlaha ah ee HRW waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu guul daraysatay inay sugto ammaanka iyo xuquuqda aadanaha ee goobaha ay ka taliso.
HRW ayaa sheegtay in Amni darada ka jirta goobaha ay dowladda ka taliso oo ay Muqdisho ka mid tahay, is qabqabsiyada iyo isku shaandhaynta siyaasadeed ay hoos u dhigeen guulihii laga gaaray garsoorka iyo isbadeladii lagu samayn lahaa waaxda amniga.
HRW ayaa sheegtay Dadaalda siyaasadeed ee lagu doonayay in lagu sameeyo maamulo federaal ah aymeelaha qaar ka dhalinayaan dagaalo beeleed.

Comments
Post a Comment